Ku Soo Dhawoow
Iskaashatada Kobciye​
Waa iskaashato maalgashi oo Soomaaliyeed, kana shaqeysa
beeraha, warshadaha, iyo horumarinta bulshada si loo
dhiso dhaqaale adag oo waara.
Join​​ Now Contact Us​​​​​​
KU SAABSAN KOBCIYE
Si wadajir ah ayaan u dhiseynaa dhaqaalaha Soomaaliya
Kobciye waa iskaashato la aasaasay bishii Juun 2016, waxayna si siman u wada leeyihiin xubnaheeda.
Waxay ka shaqeysaa horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya iyada oo maalgelin ku sameyneysa kheyraadka dabiiciga ah ee dalka
isla markaana awood siinaysa bulshada.
Xubnaha oo maalin kasta sii kordhaya
Maalgelinta Kobaca Dhaqaalaha
Xoojinta Bulshada
Nidaam Daahfuran oo Caddaalad ku Saleysan
QEYBAHA XUBINNIMADA
Xubin Caadi ah iyo Xubin Samafal
Xubin Caadi ah
KU BIIR HADDA ​​​​​​​​​​
- Wadaagga faa’iidada sanadlaha ah
- Dhammaan mashaariicda maalgashiga
- Waqti kasta waad ku soo biiri kartaa
Charity membership
- Samafal joogto ah (Waqaf)
- Faa’iidooyin u gaar ah kuwa nool iyo kuwa geeriyooday
- Horumarinta bulshada
ILAHA DHAQAALE EE ISKAASHATADA KOBCIYE
1. Kaalinta Xubinnimada
Xubin walba oo iskaashatada kobciye kusoo biirta waxey bixineysaa $182.5 sandkii, oo u dhiganta $0.5 maalintii.
2. Kaalin Maalinle oo Joogto ah
Xubnaha firfircoon waxay sidoo kale bixiyaan $0.5 maalintii oo ay ugu deeqaan waalidkood geeriyooday, si loo hubiyo faa’iido joogto ah iyo taageero sii socota oo lagu xusuusanayo dhaxalkooda.
$0.50 maalintii waxay dhisi kartaa qaran.
SADAQO JAARIYA SAAMEYNTEEDA
Sadaqo jaariya oo aan joogsanayn​
Faa’iido joogto ah oo u taal qofka bixiya iyo bulshada — inta aad nooshahay, waxayna sii socotaa sida Sadaqo Jaariya kadib geerida.
Dugsiyo iyo jaamacado
Isbitaallo iyo xarumo caafimaad
Wadooyin iyo ceelal biyo
Masaajiddo
Adeegyada bulshada
Ka hortagga abaaraha
MAXAY KOBCIYE U JIRTAA
Sababaha aad ugu soo biireso Kobciye?
Awood maalgashi oo wadajir ah
Saameynta horumarinta bulshada
Xubinimo u furan qof walba
Koboc dhaqaale oo waara
Nidaam daahfuran oo caddaalad ku dhisan
Faa’iido sanadle ah ayaad heli doontaa
✽ SIDA LOOGU SOO BIIRO
3 tillaabo fudud si aad xubin uga noqoto
Dooro nooca xubinnimadaada
Go’aanso nooca xubinnimada: Xubin Caadi ah ($0.50 maalintii) ama Xubin Samafal (leh faa’iidada Sadaqo Jaariya). Labaduba waa furan yihiin waqti kasta.
Diiwaangeli faahfaahintaada
Soo gudbi macluumaadkaaga, iyo nooca xubinnimada. Nidaamku waa mid toos ah oo si buuxda u furan dhammaan xubnaha Soomaaliyeed.
Bilow bixinta lacagta
Bilow bixinta $0.50 maalintii ($182.50 sanadkii). Xubinimada Samafalka, ku deeq inta aad awooddo.
Maalgashi ku samee mustaqbalka Soomaaliya
Ku soo biir Kobciye oo ka mid noqo shabakad sii koraysa oo maalgashadayaal Soomaaliyeed ah, kuwaas oo dhisaya mustaqbal ka wanaagsan berrito.